๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐-๐๐๐๐.
April 12, 2026
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Eng: ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐ข๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐ซ๐๐ก (Shariif), ayaa kulan muhiim ah kula qaatay Caasimadda Mogadishu ๐๐ซ๐ข๐ฌ๐ฉ๐๐ง ๐๐ฎ๐ค๐๐ฌ๐ก๐ oo ah Madaxa Xafiiska United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UN-OCHA).
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya hayโadda UNOCHA iyo Dawladda Waqooyi Bari, gaar ahaan arrimaha la xiriira gargaarka biniโaadantinimo iyo maaraynta xaaladaha adag.
Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin isuduwidda gargaarka, abaabulidda dhaqaalaha, xog ururinta iyo u qareemida arrimaha biniโaadantinimada, iyo sidoo kale ka jawaabista xaaladaha deg-degga ah, waxaa kale oo la isla qaatay in la xoojiyo wada shaqaynta si loo gaaro waxqabad hufan oo wax kuโ ool ah, loona hubiyo in gargaar deg-deg ah uu gaaro dadka u baahan.
Hayโadda UNOCHA waxay door muhiim ah ka ciyaartaa la shaqaynta hayโadaha kale ee biniโaadantinimada si loo bixiyo adeegyada aasaasiga ah sida cunto, biyo nadiif ah, daryeel caafimaad iyo waxbarasho.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo ballanqaad ah in la sii xoojiyo xiriirka wada shaqayneed ee Hayโadda iyo dawladd waqooyibari loona dhiso qorshe istiraatiijiyadeed oo lagu wajahayo xaaladaha degdegga ah ee mustaqbalka.