Ministry of Humanitarian Affairs & Disaster Management Tue, June 2 2026
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐†๐š๐ซ๐ ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐ฎ๐ฌ๐ข๐ข๐›๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐›๐š๐ซ๐ข ๐Ž๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐๐š๐๐š๐ซ ๐ซ๐ž๐ ๐‚๐ซ๐ž๐ฌ๐œ๐ž๐ง๐ญ ๐’๐จ๐œ๐ข๐ž๐ญ๐ฒ (QRCS).

April 9, 2026

Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ๐„๐ง๐  ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ƒ๐ข๐ซ๐ข๐ž ๐…๐š๐ซ๐š๐ก (shariif) ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Muqdisho hayโ€™adda Qatar Red Crescent Society (QRCS).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada gargaarka biniโ€™aadannimo iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah bulshada ku dhaqan deegaanada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiir ๐„๐ง๐  ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐ƒ๐ข๐ซ๐ข๐ž ayaa si gaar ah uga mahadceliyey hayโ€™adda QRCS doorka muuqda ee ay ka qaadatay soo gaarsiinta deeqaha raashinka iyo taageerada ay siiso dadka nugul ee deegaanada Waqooyi bari.

Sidoo kale Hayโ€™adda Qatar Red Crescent Society (QRCS) ayaa dhankeeda muujisay sida ay uga goโ€™an tahay sii wadidda taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada waqooyibari ay saameeyeen abaaraha iyo barakaca,Iyadoo ballanqaaday inay sida ugu dhakhsaha badan uga howl geli doonto arimaha Qaybinta Raashinka (Food Distribution), Gaarsiinta Gargaarka (Aid Delivery), Taageerada Dadka Barakacay (Supporting Displaced People), iyo sidoo kale adeegyada Biyaha, Nadaafadda iyo Caafimaadka (WASH and Health Interventions).

Ugu dambeyn kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa oo dhex maray labada dhinac iyadoo la isku raacay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta arrimaha gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka iyadoo layska kaashanayo yaraynta dhibaatooyinka iyo taageerada dadka nugul.