Ministry of Humanitarian Affairs & Disaster Management Tue, June 2 2026
π’π‡πˆπ‘π–π„π˜ππ€π‡π€ πˆπ’πŠπ” πƒπ”ππ€π‘πˆπƒπŠπ€ π€π‘πˆπŒπ€π‡π€ ππ€ππˆβ€™π€π€πƒπ€ππ“πˆππˆπŒπ€πƒπ€.(ABC) Meeting

π’π‡πˆπ‘π–π„π˜ππ€π‡π€ πˆπ’πŠπ” πƒπ”ππ€π‘πˆπƒπŠπ€ π€π‘πˆπŒπ€π‡π€ ππ€ππˆβ€™π€π€πƒπ€ππ“πˆππˆπŒπ€πƒπ€.(ABC) Meeting

April 28, 2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari, oo kaashanaysa (ABC) Area Based Coordination, ayaa saaka xarunta wasaaradda ku qabatay Shirweynaha Isku-Dubbaridka Arrimaha Bini’aadantinimada (Humanitarian Coordination Meeting), kaas oo lagu falanqeeyay xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira deegaannada Dowladda Waqooyi Bari iyo sidii loo xoojin lahaa gurmadka loo fidinayo bulshada nugul.


Shirkan muhiimka ah waxaa shir-guddoominayey Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari, 𝐄𝐧𝐠 𝐌𝐨𝐑𝐚𝐦𝐞𝐝 πƒπ’π«π’πž π…πšπ«πšπ‘ (Shariif), oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda hay’adaha samafalka, bahwadaagta arrimaha bini’aadantinimada, iyo masuuliyiinta dowladda si loo helo jawaab mideysan oo wax ku ool ah.


Kulanka waxaa kasoo qayb galay hay’ado kala duwan, bahwadaagta samafalka, iyo masuuliyiin door weyn ku leh gurmadka iyo horumarinta adeegyada bulshada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xaaladaha abaaraha ee ka jira guud ahaan deegaannada Waqooyi Bari, baahiyaha degdegga ah ee taagan, iyo sidii loo dardargelin lahaa taageerada bani’aadantinimo.


Ugu dambayn, waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku-dubbarid rasmi ah, xog-wadaag joogto ah, iyo qorshe mideysan oo lagu xaqiijinayo in gurmadka loo gaarsiiyo dadka u baahan waqtiga ugu habboon, iyadooΒ wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Dowladda Waqooyi Bari ayaa markale adkaysay doorkeeda hoggaamineed ee ilaalinta bulshada, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa wada shaqaynta hay’adaha samafalka, bahwadaagta gudaha, iyo Beesha Caalamka.